Waa maxay Rentful?

Waxaan aaminsanahay cidna aysanka waayin Ismaamulka Franklin guryahooda ama dakhliga kirada COVID-19 dartiis.

Ismaamulka Franklin, waxaa jira ailobadanka caawinayo bixinta kirada iyo joojinta ka saarista. Laakiin agabkaan ayaa noqon karaakuwo jahawareer leh wayna adag tahay in la helo. Websaydkan wuxuu siiya barnaamiyada Central Ohio isku xirka sida fudud loo helayo, lagu kalsoonaan karo, ee sahlan, taas oo kaaa dhigaysa inaad ammaan ku joogto gurigaaga. Websaydkaan ayaa sidoo kale ka saarka shakiga quraafadka guud, wuxuuna siiya macluumaadka ka saarida oo habaysan Ismaamulka Franklin, wuxuu calaameeya meelaha aad xitaa aadi karto si aad u hesho caawin dheeraad ah.

Maxay TANI MUHIIM U TAHAY?

Sababta oo ah COVID-19, Ismaamulka Frankin wuxuu wajahaya dhibaatada ka saarida tii ugu weyn ee aan abid ee horay u soo maray.

Falanqeyntii hore ayaa lagu qiyaasay ilaa 400,000 oo ah qoysaska Ohio ah inay awooddi doonin inay iska bixiyaan kiradooda cudurka safmarka dartiisa, kaas oo ku sababay inay milkiilayaasha guryaha Ohio ay qasaraan ugu badnaan $792,000,000. Saadaashaasi waxay waafaqsan tahay natiijooyinka xog ururinta toddobaadlaha ee Xafiiiska Waaxda Tirakoobka Mareykanka taas oo muujinaysay 2021, isku celcelin ahaan 3 diiba 1 ka mid kireystayaasha Ohio ayaa leh kalsooni yar ama laheyn kalsoonida awooddooda ay iska bixiyaan kirada bilaha soo socda. Haddii qof walba oo ka mid ah qoysaska khatarta ugu jira in guryaha laga saaro, waxay la micno tahay ku dhawaad 700% kororka soo gudbinta dacwadaha ka saarida markii loo barbardhigo 2016.

Marka la barbardhigo, 330,000 oo kaliya ayaa dacwadda laga soo gudbiyey intii lagu jiray dhibaatada dhaqaale ee 2008-2011. Koroka badan ee ka saarista iyo waayista guriyeynta waxay carqaladayn doontaa soo kabashada dhaqaalaheena waxayna ku riixi doontaa qoysaska nugul cirifka.


 

Waxaan ognahay ka saarida guriga inay kordhinayso shaqo la'aanta, dhalinyarada wayaan waxbarashada, ugu dambeyntiina ay keento guri la'aan badan.

 

Jooji faafinta. Ka saarida guriga waxay ku korhdinaysaa bulshada inuu ku faafo cuduurka koronafayras iyada loo marinayo xiriirka maxkamadda iyo guurista qasabka ah. Waxay sidoo kale horseedaa ciriiri badan oo kordhiya faafida iyo waxyeeladda. Central Ohio durba waxay waaynaysa guriyeynta la awoodo, tani waxay khatar ku tahay beddelista joogtada ah dhaqanka suuban iyo taariikhda hodanka ee aan sida wada jirka ah u dhisnay.


 

Yaa waaye Rentful?

Rentful waa bandhigaa awooda wada shaqeeynta.

Waxaa la abuuray iyada oo loo marayo deeqsinimada iyo taageerada saameynta buuxda ee Magaalada Columbus, Guddiga Wakiilada Ismaamulka Franklin, the United Way of Central Ohio, the Siemer Institute, iyo Isbahaysiga the Affordable Housing Alliance of Central Ohio. Ilaha aan wadaagno waa la beeray waxana gurtay xubnaha Isbaheysiga Xasilinta Guriyenta waxaana muujinaynaa shaqada muhiimka ah ee adeeg bixiyaasha maxaliga ah.