LOOGU TAGALAY MILKIILAYAASHA GURIGA.

Saamiga milkiilayaasha guriga kuwaas oo ururiyey boqolkiiba 90 ama wax ka badan dakhliga surtagalka ah ee kirada ayaa hoose u dhacay dhibacaha 27 boqolkiiba laga bilaabo 2019 ilaa 2020.

Milkiilyaasha guryaha yaryar iyo kuwa dhexe ee leh in ka yar 20 guri ayaa laga yaaba inay arkaan hoose u dhaca weyn ee dakhliga kirda in ka badan boqokiib 50. Mikiilyaasha waxay ku tiirsanyihiin dakhliyada si ay dayactiraan guryahooda, oo ay bixiyaan biilashooda, iyo taagerada qoyska. Waayista dakhliga ayaa noqon karta cabsi iyo jawaho wareer, laakiin halkaan u joognaa si aan hubino milkiilayaasha guriga aysan waayin ganacsigooda COVID-19 dartiisa.

Haddii lagugu leeyahay lacagta kirada ee la qaadi karo, ama aad ka walacsan tahay kireystayaasha inay dhibaato ku qabi karaan lacag bixintooda, waa tan waxaa aad sameeyn karto.


 

Sidee milkiilayaasha ay ku heli karaan kaalmada kirada??

Iyada oo laga jawaabayo COVID-19, Koongarasku wuxuu bixiyey ilaha maagaalooyinka, ismaamulada iyo gobolada si looga caawiyo kireystayaasha inaan laga saarin guriga oo la hubiyo inay milkiilayaasha guriga ay waayin dakhliga. Guud ahaan, lacagaha ayaa la helaya si ay u daboolaan ilaa 18 bilood kirada iyo kaalmada biilsha waxaana loo isticmaali karaa in lagu bixiyo lacaga hore ee kirada ama inay ku caawiso bilaha mustaqbalka. Waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu bixiyo lacagaha surtagalka ah ee soo daahay, kharashaada guurista (sida debaajiga ammaanka ama lacagaha baarista), ama kharaska internet-ka guriga. Central Ohio, kooxaha badan oo samo fal ah ayaa ka caawina qeybinta lacagahaan. U qalmista kooxba kooxda kale ayaa xooga yar ka beddelaan karaa , laakiin waa kuwaan aasaaska milkiilyaasha guriga ay u baahan yihiin inay ogaadan. 

Milkiilayaasha ma ahan inay sigaan kireystayaasha inay bilaaban codsiga caawinta kirada 

Milkiilyaasha ayaa bilaaaya codsiga

Ismaamulka Franklin, milkiilayaasha ma u baahna inay sugaan kireystayaasha inay codsadaan gargaarka kirada, waxaa lagu oggolyhay inaad si toos ah u hesho caawinta kirada lagugu leeyahay. Kadib marka uu milkiilaha gurigabilaabo codsiga, kiraystaha ayaa lala soo xidhiidhi doonaa si uu u doorto barnaamijka oo buuxiyo hanaanka. Waa muhiim in la codsado sida ugu dhaqsaha badan sababtoo ah haddii kiraystuhu uu guuro, codsiga waa la diidi doonaa.

Milkiilayaasha ma u baahna inay soo gudbiyan ka saarid, ma dedejin doonyo hanaanka

Waa jiro war abeen buurka ee milkiilayaasha guryaha ee Central Ohio inay soo gubinayaan ka saarida si ay u dedejiso dib u eegista codsiga kaalmada kiradooda.  Tani run ma ahaan. Ka saarida guriga ee aan lagama marmaanka ah ayaa kharash ku ah milkiilyaasha guriga, waxay ku bixinayaan dhaqaale bixiyayaasha kaalmada kirada, waxayna ku qasbaan dhinacyada inay yimaaddaan maxkamadda oo ay shaqsi ahaan u kulmaan, haddii kireystaha uu ka guuro gurig wuxuu joojinaya codsiga caawinta kirada. Waxaa intaa dheer, soo gudbinta dacwada ka saarida guriga ay culeys saarta nidaamka ka jawaabista waxayna hoos u dhigtaa nidaamka dib eegista loogu tagalay qof walba. 

Baro waxa u fiican dedejinta codsiga loogu talagalay kaalmada kirada

Milkiilayaasha waxay u baahan yihiin dedejiyaan hanaanka dib u eegista si ay u helaan lacagtooda kirada oo ay u bixiyaan biilashooda. Ka saarista ma dedejinayso hanaanka, laakiin waxyaabo kale ayaa sameeya. Hubi inaad raacdo talooyinkan loogu talagaly dedejinta lacag bixinta: 

  • Hubi inaysan jirin macluumaadka is khilaafaya. Hoos u dhaca ugu weyn waa marka buugamilkiilaha guriga aysan waaafaqsanayn cadada la sheegtay in la bixiyo. Hubi dhammaan lacaga la bixiyey hadda kuwa sax ah oo diiwaanka ku jira. Iskhilaafyada kale ee caadiga ah waa marka magaca milkiilaha guriga uu magaciisa uusan waafaqsanaynmagaca la tusiyey Xisaabiyaha guud ee Ismaamulka Franklin, ama buuga kirada ay kala duwan yihiin.

  • Fiiri digniinada. Isbeddelada qiimaha kirada, milkiilyaasha iyo kireystayaasha ayaa isku dhaw, ama lacagaha ka baxsan khadka suuqa ayaa u baahan karaa cadeynta, taas hoos u dhigaysa dib u eegista. 

  • Isku xirka kireyastaha lala yeesho ayaa ilaalin karaa qulqulka dhaqaalahaaga iyo ka hortagida ka saarida qeybta ka hor intaa aan la qeybinin kaalmada. Haddii kireystaha uu ka tago qeyb, codsiga gargaarka waa la joojin doonaa. 

  • Dooro lacag bixinta ACH. Qaab ugu dhaqsiyaha badan ee lagu bixiyo lacagta waa bixinta macluumaadka elekroonig ah ee banigga marka lacaha ayaa toos lagu soo shubi karaa, halka laga sugi lahaa jeeg in la soo qoro ama la soo diro. 

Joogteeynta Xiriirka Shaqeeynta

Sida ganacsiyada guuleysta oo dhan, milkiilyaasha guriga ayaa joogteeynaya xiriir miro dhal ah oo shaqeeynaya oo ay la yeeshaan kireystayaashooda. Gaar ahaan taasi waa run marka la raadinayo kaalmada kirada sababtoo ah kireystaha waa inuu la shaqeeya si loogu soo daayo lacagaha milkiilaha guriga. Laakiin jawiga walaca badan ee COVID-19 ayaa abuuray sameeynta adag inay helaan dhul guud. Dhexdhexaadintu waxay ka caawisaa milkiilayaasha iyo kiraystayaasha inay ka wada hadlaan khilaafka oo ay helaan xal labada dhinac faa'aado u ah. Ismaamulka Franklin, Adeegyada Dhexdhexaadinta Bulshada waxay siisa dhexdhexaadin bilaashka ah kuwa khatar uga jira in guriga la saaro. Waxay ka caawin kartaa mikiilayaasha dhulka inay ka fogaadan lacagaha sharciga iyo kharashaadka qareenka, dedejinta codsiga kaalmada kirada, ilaalinta xiriirka macmiilka.

BIXIYAASHA KAALMADA KIRADA EE MILKIILAYAASHA GURYAHA

ILAHA MILKIILAYAASHA

Dayactirka Guriga & Ilaha Cimilada.

Guryaha ay degan yihiin qoysaska dakhliga yar iyo kuwa dhexe ayaa laga yaaba inay helaan adeegyada cimilada oo bilaash ah si loogu badbaadiyo lacaga lagu bixiyo biilasha tamarta. Wax badan ka baro Guddiga Qorshaynta Gobolka Mid-Ohio

Dhiirrigelinada Boonooyinka Guriyeynta.

Cilmi baarista COVID-19 ayaa lagu ogaaday dadka heysta boonada inay kiro yar lagu leeyahay marka loo eego dadka aan heysanin boonada, gaar ahaan qoysaska dakhligooda uu hooseeyo. Si looga caawiyo ballarinta oggolaanshaha boonaada Ismaamulka Franklin, Maamulka Guriyeynta Magaaladda Columbus wuxuu siinaya $500 booska lacag bixinta ee milkiilayaasha guryaha kuwaas heystay boonadda kirada, intaa waxaa u dheer sameeynta lacagaha debaajiga ee ammaanka.

Hel Caawinta Daynta.

Haddii aad la daaladhacayso inaad bixiso lacagta gurieynta ee ah guri uu milkiilaha degan yahay, waxaad ka codsan kartaa Save the Dream Ohio. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo bixinta deynta kirada guriga, qaarka mid ah caymisyada deynta ayaa bixiya gargaarka COVID-19. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kaalmada, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto: Fiirinta Caymiska Daynta ee Fannie Mae iyo Fiirinta qalabka daynta Freddie Mac's. Macluumaadka dheeraad ah ayaa sidoo kale laga helayaa Xafiiska Waaxda Ilaalinta Maaliyadda ee Macmiilka

Taageerada Ganacisga Yar.

Milkiilayaasha ayaa laga yaaba inay u qalmaan ganacsiga yar waxay xaq u leeyihiin barnaamijyada cusub ee hoostaga gargaarka COVID- 19. Si aad u barato wax badan oo ku saabsan barnaamijyada iyo u qalmista, boogo, Guddomiyaha Ismaamulka Franklin, booqo websayadka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Qorshaynta.

SU'AALAAHA MARWALBA JOOGTADA AH EEMILKIILAHA (FAQ)

Su'aalaha Saadka Milkiilaha ee loogu talagalay Kaalmada Kirada

Yaa qaadanaya lacagta kaalmada kirada?

Kaalmada kirada waxaa si toos ah loo siiyaa kireeyaha iilmaa uu diido milkiilaha guriga ma ahane.

Kireystaheyga ma u codsanin, ma soo gudbin karaa codsiga?

Haa. Milkiilaha ayaa si toos ah u soo gudbin karaa codsiga isaga oo raadinaya bixiyaha gargaaka kaas oo u adeegaya milkiilayaasha ku jira boggena. Kadib marka uu milkiilaha soo gudbiyo codsiga kaalmada kirada, kireystaha waa in uu kala shaqeeya buuxinta.

Waa maxay qaabka ugu degdeg badan ee lagu bixinayo lacagta kaalmada kirada?

Milkiilayaasha furtay lacag bixinta inay ku qaataan elektrooniga iyada loo marinayo ACH (lacag bixinta tooska ah) ayaa si degdeg ah u helaya lacagta marka loo eego kuwa loo soo mariyo jeegada adeegga boosta ee Mareykanka. 

Ma u baahanahay inaan soo gudbiyo dacwadda ka saarida guriga si aan ugu qalmo kaalmada kirada?

Maya.

Soo gudbinta dacwada ka saarista miyaa dedejinaysa codsiga kaalmada kirada?

Maya. Tani waxay hoos u dhigaysaa codsiyada.

Sidee ayaan ku heli karaa heerka ugu dambeyey ee codsiga kireystaha ee loogu talagalay kaalmada kirada?

Inta badan bixiyayaasha kaalmada kirada waxay isticmaalaan barnaamijka khadka ee loo yaqaano Allita 360 si ay u soo gudbiyaan oo ay dib u eegaan codsiyada. Milkiilyaasha ayaa sameeysan karaa koontada iyo fiirinta heerka codsiyada ay marayaan ee ku xiran guryahooda waqti walba. Waxaad sidoo kale si toos ah ula xiriiri kartaa bixiyahaaga kalmada kirada. 

Sideen ku xaqiijin karaa in kireystaheyga loo ansixiyey kaalmadakirada?

Bixiyaha kaalmada kirada ayaa qoraal ugu xaqiijin doonaa kireystaha marka ay codsanayaan iyo marka la ansixiyo codsigooda. Waxaad kale ka ka hubin kartaa heerka nidaamka codsiga onlaynka ah ee Alita 360. 

Haddii aan arko in codsigu aanu dhamaystirnayn, maxaan sameeyn karaa?

Haddii codsigu uu u baahan yahay macluumaadka dheeraad ah ee milkiilaha guriga, soo gudbinta jawaabta degdega ah ayaa ka caawnayisa hubinta in bixiyaha kaalmada kirada ayaa sidoo kale si soo dedejinta ansixinta. Haddii codsiga u baahan macluumaadka dheeraad ah ee kireyaha, milkiilaha guriga ayaa laga yaaba in la xiriiro oo ku dhiirageliyo kireystaha inuu cusbooneysiiyo codsiga. Kireystaasha ayaa laga yabaa inay qaaan dhibaatooyinka helida iimaylada ama fiiramaha qoraalka ka yimid bixiyaha kaalmada kirada, gaar ahaan haddii ay internet la'aan yihiin ama adeeg telefoon oo lagu kalsoonaan karo; milkiilaha guriga ayaa ka caawin kara xoojina xiriirkaan ayaa noqon karaa qalab awoodd badan si degdeg ah loogu xalinayo gargaarka. 

Haddii aan aqbalo kaalmada kirada, weli ma u qalmi karaa in guriga la iga saaro??

Ma uga saari kartid guriga kireysta kirada uu bixin waayey marwalba taas oo aadigu aqbashay lacagta.

Waxaan u maleeynaya kireystaha inuu lacagta bixin karo wuxuuna doorana inuusan bixinin, waa maxay sababta aan ula shaqeeynayo haddii aysan maalgashanin hanaanka?

Rentful, waxaan aad ugu kalsoonahay in milkiilyaashu aysan u waayin doonin gacansiyadooda ama dakhaligooda COVID-19 dartiisa. Dhiiregalinta macmiilkaaga ma khuseeyso inay hubiyaan inaad hesho dakhligaaga aad u baahan si aad u sii ganacsato. Si kastaba ahaatee, haddii aad taaqano qof kas u bixiyey macluumaad been abuur ah ama isku dayo inuu sameeyo qiyaano, waa inaad la wadaagta macluumaadka bixiyaha kaalmada kirada.

Waa maxay macluumaadka loo baahan inay ku jiraan W9-kayga?

Hubi in macluumaadka ku jira W9 kaaga inuu waafaqsanahay waxa ku jira codsiga caawinada kirada. Milkiilayaasha leh guryo badan, iska hubi inaad W9 siinayso dhismaha saxda ah iyo/ama milkiilaha xaqa u leha. 

Goorma ayaa laga jarayaa kaalmada kirada?

Bixiyaha kasta ee kaalmada kirada wuxuu jadwalka ka duwan hanaanka dhaqaalo bixinta. Ganacsiyo badan, jeegyada muuqadaya ayaa loo sameeya si toddobaadle ah. Meeshii la heli karo, doorashada lacag bixinta ACH waa habka ugu dhaqsiyaaha badan ee lagu helo lacag bixinta kaalmadakirada.

Ma la ii damaanad qaadayaa inaan helo 18 bilood oo ah kaalmada kirada?

Maya. Waxaa ka jira Ismaamulka Franklin barnaamiyo badan oo ah gargaarka kirada oo kul duwan dhammaantoodna ma soconayaan ilaa 18 bilood. Sidoo kale, barnaamijyadda gargaarka kirada intooda badan waxay dhammaadaan marka aysan qoyska u baahnayn kaalmada sidaa ilaha xadidan ayaa loo isticmaali karaan qoysaska aadka u nuqul. Intooda badan bixiyaasha kaalmada kirada, waxaa laga raaba inay dib u saxaan in weli laga raabo inaad buuxiso shuruudaha sadexdii biloodba mar.

Can a tenant transfer their application to a new assistance provider?

Yes. Both the tenant and the new rent assistance provider must agree to transfer a file. The tenant may need to complete an Authorization for Release of Information form to share their confidential information with the new provider.

 

Su'aalaha Saadka Milkiilaha ee loogu talagalay U qalmista Kharashka Kaalmada Kirada

Maxaa dhacaya haddii aan guri ku leeyahay didbadda Ismaamulka Franklin?

Dhammaan ilaha Rentful waxaa loogu taagalayn dadka dagan Ismaamulka Franklin. Haddii aad meel kale ugu nooshahay Ohio, waxaad si degdeg ah u heli kartaa bixiyaha kaalmada kirada ee agaaga adiga oo booqanaya websaydka Isbaheysiiga Guri La’aanta iyo Guriyeynta Ohio. Haddii aad kuu nooshahay meel ka baxsan Ohio, waxaad ka heli kartaa bixiyeyaasha kaalmada kirada webasyadka Waaxda Dhaqaalaha Mareykanka.

Ma waxaa jirta xadididka $5,000 ah ee kaalmada kirada?

Maya.

Kireystaha ma u baahan yahay inuudib u codsado sadex bil kasta?

Maya. Haddii la ansixiyo kaalmada horey-u socodka, waxlba sadex bilood ayaa looga baahan doonaa kireystaha guriga inuu ku buuxiyo foomak saxida fudud si loo xaqiijiyo inay u qalmistooda isbeddelin.

 

Su'aalaha Ilaha Kale ee Milkiilaha

Maxaa dhacaya haddii aan u baahdo in la iga caawiyo bixinta deynta guriga aan Anigu leeyahay?

Haddii aad la daaladhacayso inaad bixiso lacagta gurieynta ee ah guri uu milkiilaha degan yahay, waxaad ka codsan kartaa Save the Dream Ohio. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo bixinta deynta kirada guriga, qaarka mid ah caymisyada deynta ayaa bixiya gargaarka COVID-19. Macluumaad dheeraadah oo ku saabsan kaalmada, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto inaad aragto: Raadinta Deynta Guriga ee annie Mae iyo Raadinta Qalabka Deynta ee Freddie Mac.

Milkiile ahaan, halkee ayaan ka helaa caawinta sharci ah?

Waxaad qareen ka heli kartaa adiga isticmaalayaa  Adeega Ururka Qareenka ee Columbus Bar. Maxkamadda dowladda hoose ee Ismaamulka Franklin Xarunta Ilaha Is-Wicinta waxay bixisaa macluumaadka hagid ka saarida guriga ee milkiilayaasha. Waxa kale oo aad heli kartaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ohio Bandhiga Hagida Guriyeynta Loogu Talagalay Milkiilayaasha.