KIRAYSTAYAASHA.

Qiyaastii saddex-meelood meel kiraystayasha Ohio ayaa dhibaato ku qaba bixint kirada.

Kuwo badan, tani waa marki ugu horeysay oo ay u baahdeeen caawinta guriyeynta. Taasi waxay noqon kartaa cabsi, laakiin waxaad leedahay xuquuq iyo ilo kaa caawinaya inaad guriga ku joogto si bad qab. Waxaan halkaan u joognaa inaan ka caaawino waxa xiga ee aad sameeyn laheyd. Hadaad seegtay bixinta kirada, ama ka walwalsantahay in aad waydo, tan waa waxaa aad sameeyn leheyd hadda:


 

WAA MAXAY kaalmada kirada?

Kongresska ayaa siiyay dhaqaale magaalooyiinka, ismaamulada, iyo goboladda si ay uga caawiyaan dadka inaan laga saarin guriyaha iyo ka hortagga guri la'aanta. Guud ahaan, lacagaha ayaa la helaya si ay u daboolaan ilaa 18 bilood kirada iyo kaalmada biilsha waxaana loo isticmaali karaa in lagu bixiyo lacaga hore ee kirada ama inay ku caawiso bilaha mustaqbalka. Waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa in lagu bixiyo lacagaha surtagalka ah ee soo daahay, kharashaada guurista (sida debaajiga ammaanka ama lacagaha baarista), ama kharaska internet-ka guriga. Central Ohio, kooxaha badan oo samo fal ah ayaa ka caawina qeybinta lacagahaan. U qalmista ayaa xooga yar ka beddeli kartaa kooxba ka koox, laakiin waa kuwaan aasaaska: 

Waa inaad tahay haddaa qof dagan Ismaamulka Franklin

Barnaaamijyada Rentful waxaa loogu taagalayn dadka dagan Ismaamulka Franklin. Haddii aad ku nooshahay dibada Ohio, halkan riix si aad u hesho bixiyaha kaalmada kirada ee bulshadaada.

Waa inaad la soo kulantay nooc kamid ah dhibaatada intii lagu jiray COVID-19

Tani waa shuruud waa u dabacsan, la xiriir manta bixiyaha kirada si aad u hubisid inay dhibaato gaarka ah ay mid u qalanto. Inta badan kireystayaasha ayaa cadeyn karaa inay la soo kulmeen dhibaato iyaga oo buuxinaya foomka.

Dakhligaga hadda ama dhawaan waa inuu ka hooseya heerka qaar

Dakhliga qoyskaaga hadda waxa uu ka yar yahay 80% dakhliga dhexdhexaad Ismaamulka Franklin, ama wadarta dakhligaagauu ka yaraaheerkan 2020. Inta badankiraystayaasha hadda waxaa ay caddayn karaan dakhligooda iyaga oo buuxinaya foom.

Tirada Qoyska: 1 - Xadidka Dakhliga 80% ee AMI: $46,950
Tirada Qoyska: 2 - Xadidka Dakhliga 80% ee AMI: $53,650
Tirada Qoyska: 3 - Xadidka Dakhliga 80% ee AMI: $60,350
Tirada Qoyska: 4 - Xadidka Dakhliga 80% ee AMI: $67,050
Tirada Qoyska: 5 — Xadidka Dakhliga80% ee AMI: $72,450
Tirada Qoyska: 6 — Xadidka Dakhliga80% eeAMI: $77,800
Tirada Qoyska: 7 — Xadidka Dakhliga80% ee AMI: $83,150
Tirada Qoyska: 8 — Xadidka Dakhliga80% ee AMI: $88,550 

Waa inaad qabtaa xooga khatarta xasilooni daradda guriynta.

Caawin la’aan, waxaa laga yabaa inaad awoodi wayso inaad iska bixiso kirada ama biilasha, waxaa laga yaaba in laga saaro guriga, ama waxaa laga yabaa inaad noqoto guri la’aan. Kireystyaasha badankooda hadda waxay cadeyn karaan inay khatartaan ku jiraan iyaga oo buuxinaya foomka.

Waa inaad tahay kireyste tahay, oo aadan aheyn milkiilaha guriga

Barnaamijka Rentful waxaa loogu talagalay kireystayaasha iyo milkiilayaasha. Haddii aadan heysanin qoraalka heshiiska kireysiga ee milkiilaha ama kirada, soo deji buuxi foomka is-xaqiijintaan oo sii bixiyahaaga gargaarka kirada. Inkastoo foomkaan loogu talagalay West Virginia, waxaa aqbala gargaar bixiyaasha kirada ee Ismaamulka Franklin. 

Dadka ay ku dhacdo guri la'anta, oo ay ku jiraan kuraasta fadhiga ama labada ee dhabalka ah ku seexda, ayaa laga yabaa inay u qalmaan kaalmada kirada si loo daboolo fikrada kaalmada dib u dejinta, iyo biilka ama kharashka tamarta guriga kadib ka saarida guriga. Waa inaad la xiriirtaa bixiyaha kaalmada kirada si aad u hesho habaynta go'aanka u qalmista kaas oo lagu tixgalinaayo dhibaatooyinkaaga gaarka ah.

Haddi aad tahay milkiilaha guriga kaas oo ka walbahaarsan wax ku saabsan awoodda la'aanta iska bixinta deynta guriga, riix halkan ilaha kala duwan ee laga heli karo gobolka Ohio. 

Waxaa AAN loo baaheyn?

Ma u baahnid inaad kadib dhacdo kiraadaada weli. Inkastoo barnaamiyadda qaar loo habeyey waalidiinta, ma u baahnid inaad heysto carruurta u qalanta kaalmada badan ee kirada. Uma baahnid inaad qabatid COVID-19 ama waxaad weysay dakhligaaaga COVID-19 dartiis.

Uma baahnid inaad bixiso dhalashadaada ama heerka socdaalka, kireystayaasha aan aan sharciyeysnayn ayaa u qalmi karaa caawinta kirada. Badanaa barnaamijyada, bixiyaashakirada uma bahna cadeyn dhalasho, sharci deganansho, ama heerka socdalka xubin walba oo ka tirsan qoyska guriga kirada. Heerka dhalashada ma saameynayso u qalmista. Waxaa Lagu weydin doonaa inaad xaqiijiso aqoonsigaaga, laakiin waxaa jiro siyaabo badan oo la sameeyo tani mana u bahna heerka muwaadiinimada.

Ha codsan bixiyaasha gargaarka kirada oo badan, tani waxay hoos ka dhigi kartaa codsigaaga waxayna dhalin kartaa shuruudo cadeynta dheeraad ah si loo hubiyo inaysan keenaynin xatooyada aqoonsiga ama khiyaanada.

Waa maxay hanaanka ansixinta kaalmada kirada?

Hanaanka ayaa xooga yar kala duwnaan kara waxayna ku xiran tahay xaaladda gaarka ee kiraystaha, milkiilaha, iyo bixiyaha kaalmada kirada ee aad ku jirto. Guud ahaan, waa tan sida ay u shaqeeynayso: 

  1. Midkood kiraystaha ama milkiilaha guriga ayaa bilaabaya codsiga kan kalenawuu dhamaystirayaa;

  2. Bixiyaha gargaarka kirada ayaa dib u eegaya codsiga, wuxuuna weydiisan karaa macluumaad dheeri ah, wuxuuna go'aaminayaa in qoyska uu u qalmo;

  3. Haddii uu u qalmo, milkiiluhu wuxuu ku oggolaanaya in uu aqbalo khidmada; kadibna

  4. Bixiyaha gargaarka kirada wuxuu si toos ah u siinayaa lacagta milkiilaha guriga.

Caawinta Kale ee Looga Fogaado Ka Saarida 

Ka foganshaha guri kasaaridama ahan oo kaliya in aad bixiso kirada. Haddii lagaa soo gudbiyay dacwad sharci ah, waa in aad ladahashaa garyaqaan. Adiga iyo milkiilaha guriga haddii aadan isku raacin in aad ka shaqaysaan waxyabahaaga, dhaxdhaxaadiye ayaa idin caawin kara inaad xalisaankhilafkiina. Kiraystayasha qaar ayaa laga yabaa inay la soo kulmeen dakhliga waayista mudo-dheer ayna u baahanyihiin lataliye dhaqaale si uu u caawiyo in ay qorshaystaan mustaqbalkooda. Macluumad dheeri ah oo ku saabsan adeegan bilaashka ah ayaa lagahelaya hoos.


 

 

BIXIYEYAASHA KAALMADA KIRADA

Uma baahnid inaad codsato gargaarka bixiyeyaasha kirada oo badan, tani waxay hoos u dhigi kartaa codsigaaga waxayna dhalin kartaa shuruudo cadeyn dheeraada si loo ogaado inaysan keenaynin xatooyada aqoonsiga ama khiyaanada. Haddii bixiyaha kaalmada kirada ee aad la shaqaynayso aanu awoodin inuu ku caawiyo, waxay kuu gudbin karaan meelo kale si aad u hesho kaalmo dheeraad ah.


 

FAQ KIRAYSTAHA

Su'aalaha Guud ee Kaalmada Kirada

Maxaan sameeyaa hadaan bixin karin kiradeyda?

Waa in aad soo gudbisaa codsiga kaalmada kirada sida ugu dhaqsiyaha badan sida aad ogtahay waxaa laga yaaba inaadan awooddin inaad iska bixiso kirada. Riix halkan si aad u hesho bixiyaha kaalmada kirada ee kugu haboon.

Ma u gudbiyaa codsiga hay’ado kala duwan?

Maya. bixiyaasha kaalmada kirada oo badan ayaa qeybinaya ilaha isku mid ah Kongresska, marka shuruudaha u qalmista badankooda waa isku mid. Waxaad u baahan tahay oo kaliya inaad ka codsato hal urur si aad u hesho caawinta aad u baahan tahay. Haddii bixiyaha kaalmada kirada ee aad la shaqaynayso aanu awoodin inuu ku caawiyo, waxay kaa caawin doonaan inay kuu gudbiyaan meelo kale si aad u hesho caawinaad dheeraad ah. Soo gudbinta codsiyo badan oo isku cinwaan ah ama isku qof ah waa digniin waxaana laga yaabaa inay kordhiso dib u eegis heerah si loo hubiyo inaysan keenaynin xatooyada aqoonsiga ama khiyaanada.

Waxa maxay waqtiga kama danbeysta ah ee la codsanayo?

Codsiyada ayaa la aqbalaya si isdaba joog ah ilaa ay lacagta ka dhammaato. Markaad codsaneyso xili hore waa qaabka ugu fican oo Lagu hubiyo inay jiraan ilo ku filan in la dhaafay si aad uhesho caawinta aad u baahan tahay

Yey lacagta aadaysa?

Lacagaha kaalmada kira ayaa mar walba si toos ah loo siiya milkiilaha. Xaaldaha aad dhifdhif u ah, haddii milkiilaha uusan aqbalin acata, bixiyaha kaalmada kirada ayaa kala shaqeeyn doonaa qorshe kale. 

Ma u baahan doonaa inaan dib u bixiyo lacagaha kaalmada?

Maya. Tani ma ahan dayn dib loo bixinayo. Kaalmadanwaxa aloo bixiyaa deeqa ahaan.

Miya la ii damaanad qaadayaa inaan helo 18 bilood oo ah kaalmada kirada?

Maya. Waxaa ka jira Ismaamulka Franklin barnaamiyo badan oo ah gargaarka kirada oo kul duwan dhammaantoodna ma soconayaan ilaa 18 bilood. Sidoo kale, barnaamijyadda gargaarka kirada intooda badan waxay dhammaadaan marka aysan qoyska u baahnayn kaalmada sidaa ilaha xadidan ayaa loo isticmaali karaan qoysaska aadka u nuqul. Intooda badan bixiyaasha kaalmada kirada, waxaa laga raaba inay dib u saxaan in weli laga raabo inaad buuxiso shuruudaha sadexdii biloodba mar.

 

Su'aalaha ku yaalla Dukumentiyada & Sida loo buuxiyo Codsiga Kaalmada Kirada

Ma heli karaa caawintabuuxinta codsigeyga?

Haa. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo soo gudbinta codsiga, riix halkan si aad u raadiso bixiyaha kaalmada kirada kaas oo aqbala codsiyada telefoon ama qof ahaan kaa caawin kara inaad soo gudbiso codsi. Adeegyada Dhexdhexaadinta Bulshada ee Central Ohio sidoo kale ayaa la helayasi ay uga caawiyaan kiraystayaasha inay uu buuxiyaan oo soo gudbiyaan codsiga kaalmada kirada.

Caawin miyaa jirta loogu talagalay dadka aan Ingiriiska ku hadlin?

Haa, websaydka Rentful waxaa laga heli karaa afafka Ingiriiska, Spanishka iyo Somaaliga. Waxaad sidoo kale heli kartaa bixiyaha kaalmadaa karida kasoo bixiyo addeegyada luuqadaha kale. Bixiyeyeaasha kaalmada kirada ayaa sido kale bixiya adeega turjumada luuqadaha inta aan lagu xusin.

Majirta caawinloogu talagalay dadka aan aqrinin?

Haa, waxaad heli kartaa bixiyaha kaalmada kirada kasoo aqbalayo codsiyada iyadoo la istacmalayo teleefon and kulan qof ahaan. 

Intee in le'eg ayey qadaneesaa in la buuxiyo codsiga?

Codsiga onlaynka ah badanaa wuxuu qaataa 15-20 daqiiqo din la buuxiyohaddii aad haysatid dukumeentayada oo dhan. Fadlan oggow, dukumeentayada loo baahan yahay ee dhawaan la beddelay kuwaas oo lagayaabo in ay ka dhigaan codsiga mid dhaqso ah kana fudud sidii hore.

Intee in le'eg ayey qaadaneesaa in la ansixiyo codsigayga?

Haddii aad soo gudbiso dhammaan dukumeentiyada loo baahan yahay oo aysan jirin wax dhib ah oo ku saabsan codsiga (sida macluumaadka is khilaafsan) waxaa shuruud la'aan ayaa aqbali karaa ugu yaraan hal maalin. Intaa ka dib, bixiyahakaalmadaa kirada wuxuu u baahan yahay inuu la xiriiro milkiilahaaga si uu u dhameeyo hanaanka. Haddii miulkiilahaagua uu si dhakhso ah uga jawaabo oo uu kala shaqeeyo hanaanka nidaamka, tani sidoo kale waxay u socon kartaa si degdeg ah. 

Sideen ku ogaan doonaa haddii la ii ansixiyay?

Bixiyaha kaalmadaa kiradaada ayaa ku ogeysiin doona haddii lagu ansixiyey. Inta badan bixiyayaasha kaalmadakirada waxay isticmaalaan barnaamijka khadka ee loo yaqaan Allita 360 si ay u soo gudbiyaan oo ay dib u eegaan codsiyada waxaadna hubin kartaa heerka codsigaaga waqti kasta. 

Miyaan u baahanahay inaan siiyo milkilaha gurigeyga warqadeyda qaansheegada ama soo celinada canshuurta si aan ugu qalmo?

Maya. Si aad ugu qalanto kaalmada kirada, waxaa lagaaga baahan doonaa inaad is caddayso cadadka dakhliga ee aad hesho. Xaaladaha qaarkood, waxaa laga yaabaa in lagaaga baahdo inaad la wadaagto dukumeentiga dakhliga bixiyaha kaalmada kirada, laakiin laguma waydiin doono inaad la wadaagto milkiilahaaga. Si kastaba ha ahaatee, miilkiilaha wuxuu codsan karaa macluumaad ama dukumenti ka baxsan barnaamijka kaalmada kirada.

Maxaa dhacaya haddii aanan raadinin ama aanan helin dukumintigi saxda ah si aan u cadeyo in aan u qalmo?

Kiisas badan qaarkooda haddii dukumentiyada aan isla markiiba la helaynin, bixiyaha kaalmada kiradaada ayaa kuu oggolaanaya inaad "isku-cadeyso" inaad u qalanto adiga oo saxiixaya foomka ballanqaadaya inaad runta sheegayso. sharciyadan ayaa dhawaan isbeddelay, sidaa darteed hadaad codsatay mar hore laakiin laguu diiday sababtoo ah mahaysatid dukumiintiyo sax ah, waxaad la xiriiri kartaa bixiyaha kaalmada kiradaada iskuna day mar kale. 

 

Su'aalaha ku saabsan U qalmista Kaalmada Kirada

Miyan u baahanahay in aan seego bixinta kirada si aan caawin u helo?

Maya! Haddii aad la daalaa dhacayso inaad bixiso biilasha, ma u baahnid inaad sugto inaad dib u dhacdo ka hor codsiga caawinta. Soo gudbinta hore ee codsigaaga waa qaab ugu fiican aad ku baadbaan karto gurigaaga. 

Ma heli karaa caawinta biilasha kirada ee sannadkii la soo dhaafay?

Haa, deynta ururtay oo kaliya ama kadib Maarso 13, 2020, markii lagu dhawaaqay xaaladda degdega ah ee qaranka.

Haddii aan horay u helay kaalmada kirada, ma heli karaa mar kale?

Haa, waxaa laga yabaa in aad wali u qalanto. Badanaa barnaamijyada kaalmada kirada waxay ku caawin karaan 15-18 bilood. Codsiga ugu dhakhsaha badan, waa in aad ku soo celisaa isla bixiyihii kaalmada kirada ee aad hore u booqatay.

Waxaan ku noolaa meel kale markii cudurka safmarka ah uu bilaabanaayey, weli ma u qalmaa?

Haa, waxaa laga yabaa in aad wali u qalanto. Wax dhib ma laha inta aad ku nooshahay gurigaaga hadda. 

Waxaan helay Qaybta 8 ama kaabida kale ee guryaha, weli ma u qalma?

Haa, waxaa laga yaabaa in aad weli u qalanto kaalmada kirada, waa haddii aad ogeysiiso qofka kaa bixinaya kaalmada kirada oo aadan gargaar u helin kharash la mid ah kii uu qof kale horay u bixiyay. Haddii dakhligaagu isbeddelay, waxaa laga yaabaa in aad u qalanto kiro hoose; haddii kiradaadu is beddesho marka dakhligaagu is beddelo, waa in aad ogaysiisaa kab bixiyahaaga in dakhligaagu is beddelay.

Waxaan kiraystaa guri moobil ah ama guri la farsameeyey, weli ma u qalma?

Haa, waxaa laga yabaa in aad wali u qalanto. Inta badan barnaamijyada kaalmada kirada ayaa bixin karaan labadakirada qayb iyo kirada guriyaha mobil-ka ah. Haddii aad adiga leedahay guriga, la xiriir Save the Dream Ohio.

Haddii aan qof kale guri ka kireysatay, weli ma u qalmaa?

Haa, waxaa laga yabaa in aad wali u qalanto. Haddii aad leedahay heshiis kirada oo qoran, sii bixiyahaaga kaalmada kirada. Haddii aadan haysan kiro hoosad, buuxi foomkan (foomkan waxaa loo sameeyay dadka ku nool West Virginia, laakiin waxaa aqbalaya bixiyayaasha cawinaada kirada ee Central Ohio intooda badan). Waxaa sidoo kale lagu weydin karaa inaad bixiso cadeynta kale oo ah inaad kireysatay guriga, sida bayaanka qof laga kireystay ama milkiilaha ama biilasha isticmaalka oo ku qoran yahay magacaaga ee guriga. 

Haddii aan u kireysto si aan u yeesho ama heysto heshiishka dhulka, weli ma u qalmaa?

Haa, waxaa laga yabaa in aad wali u qalanto. Hadda ma lahaan kartid deynta guriga, sabar loogada, xaqna ma u lahaan kartid inaad iibsato weli. Haddii aad tahay milkiilaha guriga, la xiriir Save the Dream Ohio.

Qof ka mid ah qoyskayga ma aha muwaadin Mareykan ah, weli ma u qalanaa?

Haa, waxaa laga yabaa in aad wali u qalanto. Dhalashada iyo heerka socdaalka loogama baahna codsiga kaalmada kirada. Waxaa laga rabi doonaa inaad bixiso dukumentiyada cadeynaya aqoonsigaaga, laakiin tani ma u baahna inay noqoto kaarka aqoonsiga ay bixisay dowladda. 

Ma u baahnaahay laysiinka darawalka ama Aqoonsiga Dowladda si aan u codsado?

Maya. Waxaa lagu weydiin doonaa inaad xaqiijiso aqoonsigaa, laakiin waxaa jiro qaabab badan si aad u sameeyso oo ay ku jirto heshiiska kirada, laysiinka darawalka, bayaanka banigga, caafimaadka, ama isticmaaka biilasha, baasaboorka, kaarka codeynta, bayaanka faa'iidooyinka, qoraal xaqijiina ee shaqaalaha kiiska iyo wax badan.

Haddii qofka qolka ila degan uusan u qalmin, weli ma codsan karaa?

Waa inaad la xiriirtaa bixiyahaaga kaalmada kirada si aad u hesho go'aanka u qalmista kaas oo tixgelinaya baahiyaha gaarka ah ee qoyskaaga.

 

Su'aalaha Kaalmada Biilasha

Ma heli karaa caaawinta biilasha, sidoo kale?

Haa. Inta badan bixiyayaasha kaalmada kirada waxay sidoo kale kaa caawin karaan biilasha tasiilaadka ee wakhtigeedii dhamaaday, waxaad ka heli kartaa liiska kooxahaan halkan ka eeg. Dadka degan Magaaladda Columbus ayaa sidoo kale la isticmaali kara Barnaamijka Kaalmada Isticmaalka Biilka Xeerka CARES iyo Barnaamijka Lacagta Gargaarka ee Cudurka Safmarka kaas oo bixiya hal-mar lacag dhan ilaa $500 si ay u aado dhanka u qalmista biilka koronta guriga. Magaaladu sidoo kale waxay bixisaa barnaamijyo qiimo dhimis ku salaysan dakhliga kuwa buuxiya shuruudaha iyo qabanqaabada lacag bixinta, xitaa kuwa uusan saameynin COVID-19.The City also provides income-based discount programs for those who meet the requirements and payment arrangements, even for those who were not impacted by COVID-19.

Ma heli karaa in la iga caawiyo lacag bixinta internet-ka?

Mararka qaarkooda, waxaa laga yaabaa inaad ka hesho caawinta ka bixinta kharashaadka internet-ka bixiyayaasha kaalma kirada kuwaas oo sidoo kale ka caawiya isticmaalka biilasha ee waqtigeeda dhamaaday. Waxa kale oo aad u qalmi kartaa Faa'iidada Broadband-ka Degdegga ah taas oo bixisa qiimo dhimis ilaa $50 bishii oo ku wajahan adeegga ballaadhan ee qoysaska u qalma. 

Wixii macluumaad dheeraad ah sida looga helo aaladaha kumbuyuterka ee lagu kasoonnan karo iyo helida internet-ka la awooddi karo, booqo websaydka Sinaanta Dhijitaalka ah ee Ismaamulka Franklin. Halkaas, waxaad sidoo kale qaadan kartaa tijaabada xawaaraha kumbuyuterka si Isbaheygsiga kaga caawiyo ururinta macluumaadka iyo xogta loo baahan yahay in kor loogu qaado sinaanta dhijitaalkeena.

 

Su'aalaha ku saabsan Wadooyinka kale ee laga Helayo Caawinta & Waxaa aad sameeynayso haddii Laga Yaabo in Qalmin

Waxaan u qalmaa kaalmada kirada, laakiin milkiilaheyga guriga ma qeybgalayo. Maxaan sameeyaa?

Tallaabadda kowaad waa inaa kala hadashaa milkiilahaaga guriga oo aa aragta haddii xalku u yahay surtogal. Haddii milkiilaha uu diido inuu tooska uga aqbalo bixiyaha kaalmada kirada, waxaa laga yabaa inaad awoodo inaad toos u hesho si aad u siiso lacagta milkiilaahaga guriga. Adiga iyo bixiayaahaga kaalmada kirada ayaa sidoo kale ka wada hadli karaa taageerada guurista si laga caawiyo inaan laga saarin guriga ama guri la'aan noqoto. Ismaamuka Franklin, haddii aad dib ugu dhacdo bixinta kirada, milkiilaahaaga guriga ma u baahna inuu ka aqbalo lacagtaada haddii xitaa aad hadda keento. Haddii aad ku nooshahay dibada Ismaamulka Franklin, magaalooyinka iyo gobolada qaarkood waxay leeyihiin sharciyo "Lacag Bixinta Lagu Joogayo" oo u baahan in milkiilayaasha ay qaataan lacagtaada. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sharciyada bulshadaada, fadlan la xiriir qareenka. 

Maxaa dhacaya haddii aan ku noolayn Ismaamulka Franklin?

Dhammaan ilaha Rentful waxaa loogu taagalayn dadka dagan Ismaamulka Franklin. Haddii aad meel kale ugu nooshahay Ohio, waxaad si degdeg ah u heli kartaa bixiyaha kaalmada kirada ee agaaga adiga oo booqanaya websaydka Isbahaysiga Guri la'aanta iyo Guriyeynta ee Ohio awaxaadna heli kartaa caawimo sharci ah oo lagaga hortagayo guri ka saarida Caawinta Sharciga Ohio. Haddii aad meel kale ugu nooshahay Ohio, waxaad ka heli kartaa bixiyeyaasha kaalmada kirada webasyadka Waaxda ee khasnadda Mareaykanka.

Waxaan u baahanahay in la iga caawiyo sidii aan u heli lahaa guri la awoodi karo, halkee aadi karaa?

Waxaad ka heli kartaa liiska bixiyeyaasha kaalmada kirada ee Rentful kuwaas oo sidoo kale kaa caawin kara helitaanka guri la awoodi karo ama bixinta la-talinta guryaha adiga oo riixaya halkan. Helida Guriyeynta Ohio waa adeeg bilaash ah, gobolka oo dhan kaas oo taxaya guryaha kiraynta Ohio, oo ay ku jiraan qeybo la awoodi karo, la heli karo, u adeega waayeelka, badbaadada rasaasta, iyo in ka badan. 

Waxaad baran kartaa wax badan oo ku saabsan baahida looga qabo guryaha la awoodi karo Central Ohio adiga booqanaya websaydka Xulufadda Guriyenta La Awooddi Karo

Waxaan ahay guri la'aan, halkeen ayaan ka heli karaa caawin?

Waxaad wici kartaa khadka guri la'aanta 24 saac maalintii 1-614-274-7000. Guddiga Hoyga Bulshada ayaa bixiya  Hagida Bulshada ee loogu talagalay Dadka Wajahaya Guri La’aanta iyo Isbaheysiga Guri la'aantae Columbus wuxuu bixiyaa Kaarka Wadada si ay ula wadaagaan qoysaska hadda guri la'aanta ah. Liiska xarunta digniinta ayaa sidoo kale laga heli karaa onlayn.

 Dadka ay ku dhacdo guri la'anta, oo ay ku jiraan kuraasta fadhiga ama labada ee dhabalka ah ku seexda, ayaa laga yabaa inay u qalmaan kaalmada kirada si loo daboolo fikrada kaalmada dib u dejinta, iyo biilka ama kharashka tamarta guriga kadib ka saarida guriga. Waa inaad la xiriirtaa bixiyaha kaalmada kirada si aad u hesho habaynta go'aanka u qalmista kaas oo lagu tixgalinaayo dhibaatooyinka gaarka ah.

Maxaa dhacaya haddii aanan u qalmin kaalmada kirada?

Sharciyada u qalmista ee kaalmada kirada aad eyey ballaran yihiin waxay isku beddelayeen is joogto ah tan iyo marka uu bilowday cudurka safmarka ah. Hubi inaad codsato kaalmadakirada oo aad hesho go'aanka u-qalmitaanka. Xitaa haddii qoyskaagu uusan u qalmin kaalmada kirada, waxaa jira wadooyin kale oo aad isaga fogayn karto guri ka saarida, oo ka mid ah tahay inaad kala hadasho milkiilahaaga guriga inaad dib u siin doonto kirada ama aad isku raacdaan qorshaynta ka guurista. Waad inaad la xiriirta qareen ama la taliyaha gurieynta si aad wax badan ugu barto xuquuqahaaga iyo ilahaaga. Waxaad ka heli kartaa caawintan adiga oo booqanaya bogga Ilaha.

Maxaa dhacaya haddii aan u baahdo dayn?

Rentful waxaa loogu talagalay kireystayaasha iyo milkiilayaasha guriyaha. Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo bixinta dayntaada, booqo Save the Dream Ohio. Milkiilyaasha guryaha ay wadarta dakhliga qoyska ay ka hooseyso 150% aaga dakhliga dhexe kuwaas oo la kulma dhibaato dhaqaale sababtoo ah agabka dhaqaalaha oo isdhima ama agabka kharashka nolol maalmeedka oo kordha cudurka safmarka ah ee korona fayras dartiisa kadib Jaanayo 21, 2020, ayaa laga inay u qalmaan inay codsadaan Save Dream Ohio.

Waxaan raadinayaa shaqo, maxay yihiin ilaha qaar ee iga caawin kara?

Waxaad raadin kartaa bixiyaasha kaalmada si aad u hesho haya'adaha kale kaa caawin kara ganacsiga ama hormarinta shaqada. Waxaad sidoo kale booqan karta Ismaamulka Ohio Means Jobs Columbus-Franklin County. Si aad u hesho shaqo taageerta dadaalka guriyeynta la awoodi karo, ka eeg guddiga shaqada ee Isbaheysiga Guriyeynta La Awoodi karo ee Bartamaha Ohio. Wixii ah tababarka iyo taageerada kale ee shaqaalaha, booqo Guddiga Horumarinta Shaqaalaha ee Bartamaha Ohio.

 

Su'aalaha ku saabsan Ka saarista iyo Taariikhaha Maxkamadda

Ma laga mamnuucay milkiilayaasha guriga inay aniga iga saaraan guriga sababtoo ah joojintaka saarida guriga?

Maya. Ismaamulka Franklin ma dhaqan galinayso joojinta ka saarida guriga. 

Waxaan durba helay kaalmada kirada, ma ka boodi karaa taariikhda ka saarida guriga?

Maya. Qaladaad way dhacaan ka saarida guriga waa la ansixin karaa xitaa haddii ka dib dhacdo kiradaada. Haddii ka saaristaada aan la diidin, waa inaad wali xaadirtaa taariikhda maxkamadda.

Ma rabtaa inaad Ogaato Xuquuqahaaga Guriyeynta?

Haddii aadan bixin karin kiradaada, ama lagugu hanjabay in si walba lagaa saari doono, ha ka guurin gurigaaga. Maxkamadda oo kaliya ayaa ku amri karta inaad ka baxdo. Macluuumaad hoose MA AHAN talo sharci laakiin waxay ka caawin karaan inaad horay u socoto.

Wixii talo sharci ah: La xiriir Kaalmada Sharciga ee Columbus ama Soo gudbinta Adeega Uururka Qareenada ee Columbus Bar.